Maamulka Trump oo ka walbahaarsan masiirka dowladda federaalka Soomaaliya.

Wednesday November 18, 2026 - 13:25:56
MeMO Staff
Dowladda Maraykanka ayaa mar kale walaac xooggan ka muujisay caqabadaha amni ee ku gedaaman dowladda federaalka, xilli ciidamada isbahaysiga AUSSOM ay ku jiraan diyaargarow ay doonayaan inay kaga baxaan dalka Soomaaliya.
Waraaqo ay safaaradaha Maraykanku u kala direen dalalka ciidamadoodu qaybta ka yihiin hawlgalka AUSSOM iyo sidoo kale kooxda Villa Soomaaliya, ayaa lagu iftiimiyey welwelka uu Maraykanku ka qabo nugeylka ciidanka dowladda ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Waraaqahan oo uu arkay wargeyska Kenya ee The EastAfrican, ayay sidoo kale Washington si cad ugu muujisay sida ay uga niyad-jabtay maamulka Muqdisho, isla markaana u saluugsan tahay qaabka ay u maareeyaan amniga goobaha ay gacanta ku hayaan.

Qoraalka diblomaasiyadeed ee Maraykanku soo saaray ayaa sidoo kale bannaanka keenay xaaladda adag ee ay wajahayso kooxda Villa Soomaaliya, iyo cabsida xooggan ee caalamku ka qabo in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay la wareegaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Qaylo-dhaanta maamulka Trump ayaa kusoo aadaysa xilli dowladda Uganda ay si rasmi ah u shaacisay in dhammaan ciidamadeeda ay kala baxayso Soomaaliya, isla markaana ciidamada Maraykanku ay gebi ahaanba isaga insixaabeen saldhigga Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Related Items

Update cookies preferences